Wasiirka hawlaha guud oo qaabilay safiirka Talyaaniga

Wasiirka wsaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi iyo Giovanni Grandi oo ah Madaxa Geeska Africa ee hay’ada horumarinta Talyaaniga oo ay ka wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, gaar ahaan dardargelin habsami u socodka dib u dhiska qeybo kamid ah Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan barnaamijka horumarinta ee ay dalkeena ka fuliso Italian Agency for Development Cooperation.