Shir looga hadlayo horumarinta dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud eeedalka mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo uu wehlinayey wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa Muqdisho ka furey shirka wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda FS.

Shirka oo ujeedkiisu yahay horumarinta mashaariicda dhismaha wadooyinka dalka oo ay isugu yimaadeen wasiirada wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dlka iyo kan Federaalka ayaa la doonayaa in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Shirkan oo socon doona labada maalin ee soo socota ayaa looga arrinsan doonaa hanaanka hormarinta kaabayasha dhaqaalaha dalka oo ay waddooyinku ugu horreeyaan iyo in aragti wadaag ah laga qaato mashaariicda Dalka ka socota.

Wasiirka wasaradda hawlaha guud ,dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali Dhaay oo furey shirka ayaa xusay in shirkan yahay mid lagu gorfeyn doono waxyaabihii soo qabsoomey iyo dardargelinta hawlaha horyaala Wasaaradaha hawlaha guud ee dalka.