Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka qorsheynta oo Dhuusamareeb gaaray

Dhuusamareeb: Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka wasaaradda qrsheynta dowladda FS mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedada safarka Wasiirka ayaa daaran daah-furka shirarka wadatashiyada heer dowlad goboleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ), kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay sidoo kale kormeeri doonaan inta ay jogaan Galmudug mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Maamulkaan.