WAXBA WAX BAA KA DARAN

In kastoo maalinba maalinta ka dambeysa ay dhacayaan arrimo hor leh, haddana waxaa wax lala yaaba ah arday u gacan qaaday macallinkiisa oo ah aabbihiisa labaad ilaa heer dhimasho.

Haddaba, maxay tahay muhiimadda macallinka u joogo dugsiyada?

Macallin waa abaabiyaha barbaariyaha kugu haga sida aad u noolaan lahayd ugana ceeshi lahayd dunida oo noloshaada oo dhan abaal kugu leh, qeyb weyn ka ah barbaarintaada isla markaana aayahaada nolosha saaameyn weyn ku leh waana waalid labaad.

“Nolol macallin la’aan ah lama garan karo si ay noqon laheyd, macallinkuna waa kan indhaha noo kala fura” ayuu yiri macallin Axmed Maxamed oo ku nool Muqdisho oo ka dayriyey dhaqamada xun ee ka soo ifbaxaya bulshada qaarkeed ee aan u tureyn macallinkii abaalka weyn kugu lahaa.

Sida aan wada ognahay “macallin waa kii fadhiga looga kici jiray xushmeyn awgeed ee la qadarin jiray halka uu joogana wanaagga loogu hadli jiray looguna imaan jiray waana wax lala fajaco in qof macallin ah lala murmo ama lala ekeysto” ayuu sii raaciyey.

“Xilliyadii hore ardaygu wuxuu iska qarin jiray macallinka si aanu u arkin marka uu ku sugan yahay ama uu joogo meelaha qaar sida shaneemooyinka “ ayuu yiri C/llaahi Maxamed Xuseen oo sheegay in maalin uu xasuusto loo garaacay markii uu habeen ka hor macallinka uu ku soo arkay shineemo isagoo hor taagan.

Ardaydii hore waxay lahaayeen dhaqanka xushmeynta macallinka waxayna istaagi jireen mar kasta oo uu macalinku fasalka soo galo  ardayguna wuxuu isu arkayey in uusan weli garaarin darajada uu gaaray macalinka hadalkana kuma xajin jirin oo hoos buu madaxa u foorarin jiray.

Waalidka laf ahaantooda qadarinta macallinka wey ka muuqatay oo hadalka macallinka hadal ma kor saari jirin, mana simi jirin ardayga iyo macallinka , marka uu la hadlana hadalkiisa ayey raaci jireem.

“muddooyinkan dambe waxaad arkaysaa waalid macallinka u soo qaadaya hadal uu ardayga u sheegay isla markaana beeninaya kii uu sheegay macalinka kuna duullaan ah macalinka taas oo meesha ka saartay xushmeyntii macalinku lahaa” ayuu yiri Macalin Axmed Xasan oo wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho oo soo qaatay dhacdo dhowaan ka dhacday magalada Muqdisho oo lagu dilay mid ka mud ah macallimiinta dugsiyada kaasoo uu dilay mid ka mid ardaydii uu wax soo baray.

Dhacdad ayaa aheyd mid aad u naxdin badan oo noqotay hadal heynta ugu badan baraha bulshada kana dhalatay macallinka oo canaantay gabar uu wax barayey oo soo kaxeysatay wiilka oo ahaa walaalkeed.

Arrimaha waxay muujinayaan isbeddelka dhinaca qiyamka ah oo ka jira goobaha waxbarashada iyo dhaqan doorsoonka laga yaabo in uu ku yimaado goobaheenna waxbarasho haddii aan wax laga qaban dhaqankaa aan fiicneyn ee laga yaabo in uu sii fido.

Ma yereyn arrimaha dhaqan dooriska ee soo wajahayey goobaha waxbarasho oo ay ku jiraan in ardaygu yaso macalinka oo uu yiraahdo “aniga dugsiga lacagteydaan ku dhigtaa ima ceyrin kartid , ilama hadli kartid, wax ima weydiin kartid, sida aan doono ayaan u dhaqmayaa”.

Tan waxay keentay in ardaygu noqdo mid madaxbannaan(free) awood badan leh oo isagii xukuma macalinka haddii uu imtixaanka dhacana wuxuu u hanjabayaa macalinka .

Waxaa loo baahan yahay in goobaha waxbarashadu ay noqdaan kuwo lagu badbaado u leh macallinkana uu noqdo awoodda ugu sarreysa goobaha waxbarashada laakiin hadda siday wax u socdaan maahan tii lagu soo caano maalay.

Dowladda iyo ciidammada iyo madaxda waxbarashada waa in ay qaadaan tallaabo lagu soo celinayo kala sarreynta iyo sharciga gaar ahaan dhanka waxbarashada.

WQ: Maxamed Shiil Xasan