ICPAC: Oktoobar ilaa Disembar 2024, Saadaal Xilliyeedka ee dalalka bariga Geeska Afrika

Xarunta Saadaasha iyo Codsiyada Cimilada eeIGAD (ICPAC) ayaa soo saartay saadaal xilliyeedka bilaha Oktoobar ilaa Disembar (OND) ee 2024, waxayna hoosta ka xariiqday inta badan dalalka geeska Afrika ku yaalo ay wajahi doonaan xaalad roobab ka hooseeya celceliska sida caadiga ah, taasoo keeni karta xaalado abaareed.

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in ay sii kordheyso suurtagalnimada xaaladaha ka hooseeya celceliska roobabku ay horseedi doonaan “dalag-la’aan, xaaladda xoolo-dhaqato ah oo sii xumaanaysa, biyo-la’aan, dhaq-dhaqaaqa xoolaha oo oo yaraada, cudurrada faafa oo kordha iyo cunto-yarida iyo nafaqo-xumada oo kororta  dalalka bariga Geeska Afrika, sida qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, koonfurta Itoobiya, Kenya iyo qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Sidoo kale, Xarunta Saadaasha iyo Codsiyada Cimilada IGAD (ICPAC), ayaa suurtagalnimada ugu badan ee xaaladaha ka hooseeyaan celceliska roobabku ku sheegtay in ay saameyn doonaan bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Itoobiya.

Geeska Afrika waxa hore u soo maray xaalado abaareed oo ba’an, oo ay ku jiraan, kuwaas oo sababay daaq iyo biyo la’aan ba’an, xilliyadii beeraha oo gabaabsi ah, barakaca dadka, qiimaha cuntada oo sare u kacay caafimaadka dadka oo sii xumaaday cunto yari iyo nafaqo darro baahsan oo soo wajahday xoolo-dhaqatada iyo beeralayda. Sida lagu yiri warbixina (ICPAC).

Taas bedelkeeda, qaybaha galbeedka gobolka, oo ay ku jiraan koonfurta-bari ee Koonfurta Suudaan, waqooyiga Uganda, galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee Kenya, waqooyiga Tansaaniya, koonfurta Burundi, iyo qaybo ka mid ah galbeedka Rwanda waxay u badan tahay inay helaan roobab ka sarreeya kuwa caadiga ah, kuwaas oo suurtagal ah in ay fududeeyaan wax soo saarka beeraha. , abuurista daaqa, iyo helitaanka kheyraadka biyaha.