Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa

Ciidamada amniga ayaa duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo gaari oo ay Khawaarijta arxanka daran ku dooneysay in ay ku waxyeelleyso Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ciidanka Amniga Qaranka ay saakay xilli hore duleedka Muqdisho ku qarxiyeen labo Gaari oo  Khawaarijtu doonaysay in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-Cadaala ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen geesiyaasha Qaranka iyo sida ay uga hor tageen dhagarta cadowga.

“Ciidamada geesiyaasha ee Qaranka ayaa saaka duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo Gaari oo Khawaarijtu ay doonaysay in ay Shacabka ku layso, duco iyo bogaadin ayay mudan yihiin halyeeyada fashiliyay cadawgaas, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.