Israel oo saacado kahor Gaza ka geysatay weerar ay ku dhinteen 52 ruux

Ugu yaraan 52 ruux oo falastiiniyiin rayid ah ayaa lagu dilay weerarada ay qaadeen ciidamada Israel ee guud ahaan ka dhacay Gaza saacadihii la soo dhaafay.

Weeraradaan xasuuqa ah ayaa lala beegsaday 12 dugsi oo ku yaalla magaalada Gaza iyo sagaal goobood oo  suuq ah oo ku yaalla Deir el-Balah.

Duqeymaha cusub ee ay fulisay Israel ayaa imaanaya, kadib markii R/wasaaraha Holland uu ku booriyay dhigiisa Israel inuu ogolaado ‘gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza.

Dick Schoof ayaa sidoo kale ku booriyay dhiggiisa Israel Benjamin Netanyahu in xabad joojin laga gaaro Qaza si looga fogaado xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Dhinaca kale,dibolomaasiga ugu sareeya ee Maraykanka Antony Blinken ayaa soo afjaray socdaalkiisii ​​Bariga Dhexe, iyada oo aan wax heshiis ah dhex marin Israel iyo Hamas.