Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga furay kulliyadda duulista rayidka

Jaamacadda Mogadisho ayaa daah furtay kulliyaddii ugu horreysay ee lagu baranayo cilmiga duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya, taas oo noqonaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka , Axmed Jamac Cumar, maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee duulista iyo howlaha guud, Cabdullaahi Geel-qaad, iyo mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Axmed Macallim, ayaa sheegay in hay’addu ay si buuxda u taageeri doonto Jaamacadda, iyadoo iskaashi dhinaca tababarrada ah la sameyn doono, wuxuuna tilmaamay in muhiimadda barnaamijkan ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan aqoonta duulimaadka, si loo yareeyo baahida loo qabo dadka ajanebiga ah.

Guddoomiyaha midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday, ayaa isna bogaadiyay dedaalka Jaamacadda Mogadishu University ee ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.