Wasiirka Difaaca XFS ”Dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay kuwa kalena la abaal marin doono dhowaan.

Wasiirka Difaaca XFS ”Dagaalka Khawaarijta dalka looga saarayo saraakiil badan ayaa lagu dallacsiiyay kuwa kale ayaa harsan oo la abaal marin doonaa”

Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirri gelinayo Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho, kuwaas oo qaarkood lagu dallacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka lagula jiro khawaarijta, iyagoo kuwa harayna lagu wado in la dallacsiiyo sida uu Wasiirku xusay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaadhay dhammaan Saraakiisha kale ee howlgallada ka wado  geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan khawaarijta curyaamisay horumarka dalka iyo dadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ay sii wadi doonaan abaalmarinta Saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Taliyihii hore ee Ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka Qaranka ee saaran,  wuxuuna tilmaamay in Qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd.