Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Shacabka ugu baaqay in bixiyaan Canshuurta

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qaadista canshuurta Gadista ee loo yaqaan(VAT)

Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay sida ay dowaladda uga jawaabtay cabashadii ay qabeen gancsatada,iyagoo gancsatada faray in ay bixiyaan Canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa yiri “Dowlad ma shaqeyn karto haddii aan canshuur la bixin,qof kastana waa ogyahay.”

Xildhibaan Cabdulqaadir Baraka “Dowladda Soomaaliyeed way ku mahadsan tahay sida ay u xalisay cabashadii ganacsatada, haddii aan canshuur la qaadin kaalmo shisheeye ka maarmi meyno.”

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “In aan dowlad u ekaano waxay naga xigtaa in aan canshuur qaadno”.

Xildhibaan Maxamed Haaruun “Waa ceeb in aan hoorsano gacmaha shisheeye fadlan aan bixino canshuurta dowladda”.

Xildhibaan Caasha Koos “Maanta waxaan islahaa Baarlamaanku waxa uu dowladda ugu hambalyeynayaa sida ay u maareysay cabashadii Ganacsatada iyo Bajaajleyda.”