Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Ismaaciil Jimcaale Fiidow oo katirsan khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Ismaaciil oo Khawaarijta ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu u adkeysan waayay ku jirka hoodka keymaha ah, halkaas oo uu sheegay inay ku yihiin  go’doon.

“Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeen karo ma ahan, rafaad, oon iyo cabsida Xoggan Ciidanka Xogga ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa wali aanan quusan inay meesha ka soo baxaan” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil.

Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 86-aad Guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa Kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo uga  hortagay deegaanka Xuseen Cagey,waxa uuna khawaarijta kaga biiray Degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

.Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasoo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katitsanaa khawaarijta.