Madaxweyne Xasan: Dowladdan ajandaheeda koowaad waa in dalka laga xoreeyo khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan haddii la sheegay in dagaalkii istaagay.

“Dagaalku maanta ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecadihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbedalay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socdaa, intii horenna waa ka sii xoog badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in hadda xoogga dalka ay wadaan dagaallo ka dhan ah Khawaarijta, meelaha ay dagaalada ka socdaan waxaa kamid ah dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aan dagaalka wajiga koowaad qeyb ka aheyn.

“Labo sano Jubbaland dagaal kama dhaceyn wuu ka socdaa, Koonfur-Galbeed kama dhaceyn waad ogtihiin wuu ka socdaa, dowladdan ajandaha koowaad ay leedahay waa dalka in laga xoreeyo khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadlay duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.