Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay War-saxafadeed ku saabsan canshuuraha

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ay ku wargelisay dhamaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasta oo ay macaamiishoodu alaab ku gadanayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in “Wasaaradda ay dhawaan ku dhawaaqday casriyeynta hanaanka qaadista canshuurta gadida (Sales tax), oo ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada.”

Canshuurtan ayaa ahayd mid ay ganacsatu dowladda u qaadaan kadibna u shubaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda.

Halkan ka daalaco Warsaxaafadeedka wasaaradda: