Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo qaabbilay Safiirka Soomaaliya u joogo dowladda Britain

Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ayaa si qota dheer uga wada hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda Britain ee dhanka Ciidanka Millateriga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad-celiyay qorshaheeda dhanka horumarinta Ciidanka iyo garab istaagga dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna taliyuhu Safiirka ku amaanay sida ay uga go’an tahay in uu ka dhabeeyo howlaha shaqo ee uu Soomaaliya u joogo.