20 ruux oo saaka u dhintay duqeymo ay fuliyeen Israel

Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah ayaa saaka lagu dilay guud ahaan bartamaha iyo koonfurta Marinka Qaza,kadib markii ay duqeeyeen Nuseirat, Maghazi, Khan Younis iyo Rafah.

Weeraradaan ayaa yimid xilli Ergayga Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansuur uu u sheegay shirka degdega ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) in Israel aysan dan ka lahayn cambaareynta ku aaddan dilka ballaaran ee loo geystay dadka rayidka ah ee wajahaya masiibooyinka bini’aadanimo ee ka jira Gaza.

Ergayga ayaa xusay in weerarkii dhawaan lagu qaaday dugsiga magaalada Gaza uu ahaa mid xasuuq ah oo aan ku ekeyn go’doomin oo keliya marka loo eego soo noqnoqashada sii kordheysa ee duqeymaha lagu hayo dugsiyada Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa sii xoojiyay weerarada lagu qaadayo dugsiyada iyo goobaha kale ee gabbaadka ah,iyagoo qaadaya weeraro xooggan lagu beegsanayo dhismayaasha iyo xasuuq loo geysanayo dadka rayidka ah.

Dhanka kale,Maraykanku waxa uu ogolaaday in ka badan $20-bn oo ah hubka cusub ee laga iibinayo Israa’iil, inkasta oo lagu baaqay in la joojiyo gudbinta hubkaasi ,maadaama ay jirto dhimasho badan oo gaartay rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza.

Ugu yaraan 39929 qof ayaa la dilay, 92240 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.