Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin

Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa’iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian  ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareynayso fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah, isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada.

Afhayeenku waxa uu ku baaqay in  Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka.

10-kii Agoosto  ayey aheyd markii  militariga Israa’iil ay weerareen dugsiga Al-Taba’een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux.

Cambaareynta Shiinaha ayaa imaaneysa xilli Israel ay dishay ugu yaraan 10 qof ,kadib kolkii ay weerareen guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay.