Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo ay maanta gurigiisa shir ku wada lahaayeen wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye ayaa markii uu shirkaasi u soo dhammaaday waxa Wasiir Jibril uu Wasiir Maareeye soo tusay midho kala duwan oo si iskood ah iyaga oo aan cidi beerin ka dhex baxay daaradda hore ee guriga Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
Miraha halkaas ka baxay ayaa waxa ka mid ah Qaraha, Haruurka, Digirta iyo noocyada kala duwan ee Khudaarta oo ay ka mid tahay Tamaandhadu, waxaana uu Wasiir Jibril oo halkaas ka hadlay uu tilmamaay in wax lagu farxo ay tahay in Eeebe uu ina siiyey dhul ku wanaagsan wax beerashada taas oo la innooga baahan yahay inay bulshadu ku baraarugto oo wax tacbato si loo kaafiyo nolosheena korna looggu qaado waxyaabaha aynnu u dhoofino iyo ganacsiga aynnu la lee nahay caalamka.
Wasiir Maareeye oo isagu na halkaas ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyey in la joogo xiligii muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ba uu u soo jeesan lahaa inuu wax beerto si kor looggu qaado wax soo saarka dalkeena isaga oo tilmaamay in qof walba uu dhulka inta uu haysto uu ka beeran karo wax uu cuno oo noloshiisa kafeeya iyo bulshada ba.