Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta Galmudug oo gaaray Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa gaaray Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isagoo halkaas u tegay xalinta shaqaaqo ka dhacday magaalada oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha iyo saraakiil ka socda xafiiska Xeer ilaalinta ayaa kormeeray suuqa Degmada Xarardheere oo shalay lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada degmada.