Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay shir looga hadlay xasuuqa ay Isra’el ku heyso shacabka Falastiin

Jeddah: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay shirka aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta ee heer wasiirro arrimo dibadeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo ka dhacay magaalada Jeddah.

Shirkan ayaa looga hadlay dambiyada joogtada ah ee ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin iyo xadgudubka ay ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynayo xadgudubyada ay geysteen maamulka Israa’iil, waxaana lagu baaqay in dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ay tallaabo mideysan ka qaadaan.