Wasiirka Amniga XFS oo tababar usoo xiray cutubyo ka mid ah ciidanka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar usoo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ka ah ciidanka xasilinta caasimadda.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasilinta caasimadda ayaa waxa uu Wasiirku ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.