Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya.

Hindisahan oo gacan tag ahaa ayaa waxaa ogolaatay 138-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diidday halka uu ka aamusay hal xildhibaan.

Guddoomiyaha goalaha Shacabka ee BFS mudane, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominayay kulanka maanta ayaa ugu dambayn ku dhowaaqay inuu ansax yahay xeerka ay maanta meel mariyeen xildhibaannada Golaha Shacabka.