Degmada Ceel-dheer oo ka soo kabanaysa dib u dhacyadii ay u geysatay khawaarijta

Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa laga dareemayaa dib usoo kabasho dhan walba ah, ka dib markii dhowaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta oo cadaadis badan iyo dib u dhac ku haysay dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Ceeldheer C/raxmaan Axmed Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in is beddal weyn oo dhanka horumarka ah uu ka jiro degmada, isagoo sheegay in ay xoogga saareen soo celinta kalsoonida bulshada iyo in ay wada shaqeyn yeeshaan shacabka iyo maamulka, taas oo uu sheegay in ay wax badan ka tartay sugidda amniga.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in ay jiraan xubno ka tirsan khawaarijta oo lasoo xiriiray maamulka degmada si ay isu soo dhiibaan, wuxuuna ugu baaqay malleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku harsan argagixisada in ay isaga soo baxaan.