Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka wada hadlay tayaynta waxbarshada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa warbixin la xariirta tayaynta Waxbarashada ka dhageystay maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo dood dheer laga yeeshay horumarinta goobaha Waxbarashada (Dugsiyadda).

Wasiirka oo qayb ka ahaa shirka Todobaadlaha ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo loogu hadlay Horumarinta Waxbarashada iyo dar-dargelinta ololaha Hooyo u hiilli Qaranka ee lagu garab istaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay isla meel dhigeen maamulka gobolka sidii da’yarta soo koreysa loogu faa’ideyn lahaa Waxbarashada lacag la’aanta ah ee ka jirta dalka, maadaama Wasaaraddu ay horay u qaadatay kun Macallin hadana uu socdo qorshe kale oo lagu qaadanayo barayaal cusub isla markaana lagu horumarinayo goobaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay si buuxda ugu qeyb qaataan taageerida ololaha Hooyo u hiilli Qaranka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Mudane, Cabdullahi Caddaani oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ku amaanay horumarrada ka jira Caasimadda Muqdisho.