Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, waxayna ciidamada Dowladda gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan, isagoo intaasi raaciyay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, taasi oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah, wuxuuna Afhayeenka sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen seddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta, kuwaasi oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanka, isagoo xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, sidoo kalena goobta ku qabteen dhagarqabihii waday Baabuurka, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Wejigiisa ka muuqatay murugo ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jecleyn shacab iyo dowlad, isagoo ku baaqay in loo midoobo, garabna loo noqda ciidamada Qaranka. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku laheyn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taasi oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku laheyd goobaha la weeraray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalayku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin, isagoo intaasi raaciya in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaasi oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.
Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.”
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna Guddoomiyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido, waxaana kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta,Waxbarashada, Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin kale, iyadoo Shirkan Wasaaradda cafimaadka iyo hay’adda SoDMA looga dhagaystay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu, kaasi oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.
Shir kale oo dhacay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada, si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla, kaasi uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayna yeesheen guddiga gurmad qaran, kaasi oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.
Dhinaca kale Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah. “Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looba baahan yahay in ay iska qabtaan. ” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”. Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaasi oo si naxariista daro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.