Dad shacab ah oo ku geeriyooday Miino kooxda Khawaarijtu dhigtay jidka u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

kooxda khawaarijta ee arxanka darran ayaa saaka qarax miino nooca dhulka la geliyo ah u dhigtay Dad Shacab ah oo ku safrayey Wadadda u dhexaysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

sida ay Wakaaladda SONNA ku heshay xog hordhac ah Gaariga Qaraxa loo dhigay ayaa waxa saarnaa 11 qof oo Shacab waxana halkaas ku geeridooyaday 7 qof oo ka mid ah Rakaabkii Gaariga waxa sidoo kale Dhaawacyo kala duwan soo gaaray 4 qof oo kale.

Dadka Shacabka ah ee Khawaarijtu qaraxa ku laysay ayaa waxa ku jira Dumar iyo Carruur yar yar.