Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Khawaarijta, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta dhiigya cabka ah.

“Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii xalay Khawaarijta ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay iska qabtaan.

” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”.

Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Khawaarijta, kuwaas oo si naxariista darro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Sidoo kale, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.