Taariikhda waxay noo sheegeysaa in labada cadow ee dalka soomaaliya leeyahay yihiin deriskeeda kuwaasoo weli heysta dhul soomaaliyeed qarnigaan 21aad dunida.
Keennee hadlaba oo siyaasi ah uu leeyahay dowladaha walaalaheenna ah ee jaarkeenna ah.
Mar haddeey arkeen in aan dan ka laheeyn kuwii lagumeysanayayna ay u qaateen rarka gumeysiga in ay yihiin wax iska caadi ah maxaa diidaya in ay noo arkaan in aan raalli ku nahay gumeysigooda iyo in ay haddana cad cad kale naga qaataan xoog iyo xiilo midey ku qaadan karaanna noo isticmaalaan waana isku dayeen.
Haddaba, soomaaliya maxaa u dan ah ma inay soo ceshato dhulka ka maqan mise in ay ilaashato kuwa ay hadda heysato oo keliya?
Abwaankii wuxuu yiri ( Ciilow ba’ee Ceebteyda Casaanyada sideedii miyaan Caday ka dhuubnaaday) Manta ma Saylac iyo Lughaya ayaa itoobiya laga celcelinayaa (Badda Cas)
Weligeen ma waxaa ku jireynaa weerar iyo weerar celis, annagoo og in cadowgeennu dooneynin in aan tabar badan iyo caqli badan yeelanno, mana maqlin dad quudinaya dadkii iyaga dhulkooda heystay oo subagsiinaya halkii ay naga filan lahaayeen holaca iyo rasaas oo keliya.
Waayo haddaan caqli badan leenahay kenya maalin kasta nagama xareyseen malaayiin dollar ah iyadoo nooga beddelaneyso caleemo uraya, teeda kalena maalgelin kuma sameyneyn oo manta waxay ku nool yihiin dhaqaalaheenna oo manta haddaan hal maalin ka goyno way wada cabaadayaan, taasi kuma baraarugno, welibana waan isla caqli badan nahay waa yaab!
Matalan kenya waxaa si dhib badan looga soo celiyay bad ay si bareer ah u qaadatay welina waxay u sii qeylineysaa in uu dhul kaga maqan yahay soomaaliya oo sida aan ognahay waxay sheegataa dhulka koonfurta ugu qiimaha badan.
Sidoo kale, itoobiya waxay rabtaa in ay qaadato bad iyo dhul kale, oo waatan haatan qaati laga taagan yahay sidoo kalena waxay sheegataa in ay leedahay ilaa iyo balcad maxay u dan leeyihiin ma garan kartaan.
Waxay u dan leeyhiin oo ay ogyihiin in qarnigaan uusan usuuro galeynin in ay dhul iyo bad si sahlan ku helaan laakiin waxay ka dabaaqayaan oo kaa fogeynayaan in aad soo haweysato ama aad soo hunguriyeyso kuwa ay hadda heystaan sidaa daraadeed waa lagaa mashquulinayaa fikirka noocaas ah markaasbaa qaar ka mid ah siyaasiyiinteennu afka markey kala qaadaanba leeyihiin walaalaheenna, war ma walaalkaabaa ku gumeysta, waa wax lagu laba laboodo shan soomaali inaan sheegano haddana aan la heynin dariiqii lagu soo dhacsan lahaa, wax dhib ah ama murugo ahba naguma hayaan oo qaarkeen waaba soo siyaaranaa waxaana ugu hambalyeeynaa sida ay gumeysiga ugu jiraan.
Haatan iyo dan, dhulkeenna wuu maqan yahay hadafkeenna kowaadna waa in aan helnaa shanti soomaaliyeed oo buun ka dhineyn, taasina waa in loo diyaar garoobo mar haddii aan dagaal galno waxa oo dhanba waa in leys raaciyaa halmar debka si fiican aan u galnaa.
Hadda maahan in aan maslaxo raadino waayo waxaan heysannaa dowlado manta nagu garabsiinaya in aan annagana soo dhacsano dhulka naga maqan iyagan welina dheer kaga darsanaa si ay u qeyqeylinyaan kolooda kadibna ugu ekaano dhulkeenna saxda ah.
Hadda ka hor itoobiya annagoo qabsan rabna waxay noo kaashatay dowlado ajaanib ah wayna naga soo saareen, balse waxaan garan weynay in xuddeeddeena soomaali galbeed aan ku ekaano oo iyadaa aan ku dhammaano, mase dhicin waan isa soo daba qabsannay difaaeenna ugu dambeeya aan halkaas ka xirano ayay ahayd ma dhicin.
Haatan dowladdeena waa in aysi fiican u ololeeyso dagaal waayo dan weyn ayaa noogu jirta waxaana ka faa’iideysaneynaa xoogagga nagarb taagan dhulkeenna aan soo ceshanno welibana aan baroosinka dhiganno halkaas meeshii aan ka soo dareersan lahayn.
Ka dib kenya iyadoo biyo u kaban meyno oo maalin gelinkeeda hore ayaan ka xoreysan karnaa ee middaan manta meel fiican aan saarno manta maalin ay ka tabar yar tahay itoobiya ma jirto, waa inay ka shaleysaa dulmiga bareerka ah ee damaca waalan waa inay ku weysaa dhul ay iyadu leedahay itoobiya annoo dhan waxaan u diyaarsan nahay in aan halkaasi ku shahiidno si jiilka naga dambeeya ay ugu noolaadaan cabsi la’aan iyo xorriyad buuxda noqdaanna kuwa laga cabsado.
War waxaa fool xumo adduun ah in deriskaagu ku gumeysto mana jiro dal nala mid ah oo afrikaan ah oo sidaas aqbalaya, annaga waan aqbalnay waa ciil iyo calool xumo weyn geesinimo iyo taariikhna waan sheeganeynaa isma qabtaan adeer ee aan iska xoreyno canaasiirta nala deriska ah, waa inaan runta isu sheegnaa biyaha aan cabeynaba xalaal nooma aha ceebna dhexda ayaan ka taagannahay, waayo dalka aad leedahay waa walaalaheenna hoosta ayay ka leeyihiin dhul iyo dadbaan ka heystaa oo waan gumeystaa weli iyadoo qarnigaan dunidii ay wada xoreysay dalalkii ku hoos jiray ee isticmaarku u dhiibay.
Talada waa in wax laga beddelaa istaraatiijiyadda dagaalka iyo fekerkeenuba ay si weyn isu beddelaan oo markaan hankeennu ahaadaa in aan helaan soomaali weyn wax ka yarna aanan qaadan haddii kale qabka aan sheegano iyo gobanimadeynuba way gaasiran tahay way naaqisan tahay ama way dhaawacan tahay.
Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo horumar kaamil ah war dhimasho nooma yaree haddaan la hureynin taas maanta kacsan ee jihaadka ah ayaa noo roon ee qalabka qaata oo dhulalka naga maqan aan soo dhacsanno sidaas towfiiqdeennu ha ahaato waa xaq ilaahna wuu nagu garab siinayaa waayo xaqeenna ayaan u dagaallameynaa guul soomaali weyn oo Sharaf leh
WQ: Osman Dhiblaawe