Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay geerida Ismaaciil Haniya

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Muslimiinta Caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garab-ka siyaasadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniya).

Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniya ayaa ku dhintay xalay duqeyn xagga cirka ah oo ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deggenaa magaalada Tehraan xilli uu kasoo laabtay caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay Ismaaciil Haniya in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.

Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun