Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Waad cibaadeysateen waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo,

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku cibaadeysteen dagaalkii dhowaan ka dhacay Buulo Xaaji oo lagu laayay khawaarij badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland kula hadlayay Buulo Xaaji ayaa intaa ku daray in dowladda Federaalku ay ka go’an tahay in khawaarijta dalka laga xorreeyo lagana  tirtiro goobaha kooban ee ay ku harsan yihiin.

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda ayuu sheegay in haatan uu aad u sarreeyo, wuxuuna bogaadiyay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen Ciidankooda geesiyaasha ah.