Madaxweynaha JFS ” Daawadeennu waa Diinta Islaamka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka labaad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax walba oo la xariira siyaasadda lagu kala aragti duwanaan karo balsa Diinta aana marnaba lagu kala qeybsamin.

“Siyaasadda looma dhamo waa la dhihi karaa , laakiin Diinta marnaba lagama yaabo in lagu kala qaybsamo” ayuu yiri Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale culimada ka codsaday in ay laba laabaan ka hortagga fekerka Khawaarijta, kaas oo halis ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamkaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadallay ahmiyadda ay leedahay midnimada ummadda soomaaliyeed, waxa sheegay in wax walba ay dawo u tahay Diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda.