Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo howl-qabadka Wasaaradda, iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay kulan ay ka qeybgaleen Xoghayaha Joogtada, la-taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda oo lagaga hadlay sidii lagu gaari lahaa waxqabad la taaban karo iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta leh, qaab-dhismeedka, siyaasadda dibadda iyo hab-raacyada shaqada ee Wasaaradda.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayuu Wasiirku faray in la magacaabo guddiyo ka kooban la-taliyayaasha iyo khuburrada aqoonta u leh oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta oo soo dejiya , kana soo tala-bixiya siyaasadaha iyo hab-raacyada si kor loogu qaado hufnaanta shaqada oo la jaan-qaadaya hiigsiga istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.