Shirweynaha Culimada oo Muqdisho ka furmaya

Shirweynaha labaad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ku furmo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Midnimada umadda Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirweynahan, isagoo culimada la wadaagi doona dadaallada dowladda ee ku aadan la dagaalanka khawaarijta iyo talaabooyin loo qaaday adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee qabsoomay sanadkii hore ayaa warmurtiyeedkii xiligaas laga soo saaray lagu sheegay in Argagixisada yihiin khawaarij, taasoo keentay in awood ahaan khawaarijta la wiiqay.