SOOMAALIYA LOOMA HANJABO, DAGAALNA LOOMA TILMAAMO

Wakhtiyada socdaalka ah Ayaamaha silsilaaddaa, Xilliyada bal suuree, Soo jire haddaad tahay, Sadarrada dib ugu noqoo, Soomaali waa kumaa?

Wallee adduunyo nin joogoow maxaa aragti kuu laaban:- war ma’anaa ley doco doceeya oo daba maryeyn iyo dirqi leygu dayaa, wallee waa duni aakhir samaan

Dadoow daanyeerikii ilmaha laga cunay shalay oo libaax ku soo duulayaan arkaa

Dayuus u adeegyaan arkaa, doqon u halmaalayaan arkaa, dabacsane wax ismooday iyo dameer dhergay baan arkaan, dadkeygoow haddaba maxaa inoo dan ah?

Su’aale waa midda Meesha taallee maanta wax mayska celinaa? dabcan jawaabtu waa haa.

Maanta waxaa noo hanjabayo oo sheegtay xoog iyo xiiloba inay wax nooga qaadaan doonaan ma taqaaniin? haddaba annagu kumaa nahay, ma adduunkiiba wax iska baddeleen mise innagaa nalaga arkay daciifnimada?

Bal aan wax isweydiinee nin waran kula duljoogaa maloo fadhin karaa hadal keligiisna ma kaa celin karaa? Mase nalagu bartay sidaas hadda ka hor?

Intaasoo waxyeelaa waqtigaa tilmaamoo weynaatay xaajadii waa inaan ka gudannaa xumaantii soo  jireenka ahayd maanta.

Waxaas oo su’aalo ah iyo in kabadanba waan hubaa inay maskaxdiinu ka guuxayaan balse waxaa la yiri habar fadhidaa lagdin la fudud miyaaney ahayn sidaas, nama qabato taas balse annagu waxaan leenahay been baad sheegteen iyo buullo xuufteen ee Armaad naga tagtaan nama taqaaniin waa muuqataa casharradii hore inaadan waxba ka qaadanina ogaada rasaasto maanta way ka kulushahay tii 1977-kii waxaana leeyahay:- Kaaraha dulun duluceeya iyo miigga samada duuliyo, duufaan holac iyo naar ah, intaan ku dam siin, dunidaay kaalaya naga damiinta ducufadaan oo dib u joogso dhaha, haddii kale annagu dilka iyo dagaalkuba waa damaashaadkeenna ee berri idinku dood kale ha keenina dunidaay taasi waa naga diginin.

Annagu daanyeerta hilibkeeda macunno mana karsanno ee waan iska duugnaa baqtiga iyo meydadka amxaarada siday u dadashaan duudkana ugu xamaashaan wey garanayaan, nimaa taqaan yaa tahay lama yiraahdo itoobiya waan isnaqaannaa balse waqtigaa been u sheegay ee ima soo hawooteen.

Arrintuse waa afeef iyo ehbin intii hadhow nala eedi lahaa, waxaan leenahay itoobiya naga joog aakhiro looma ordee, adigoon I karyenin hadhow kuma aasi karee baqtigaaga urkiisa hanoo keenina ilma cago weyn baad noqoteen.

Haddaad diidaan soo socda wallaahi waad eedi doontaan sidaan idiin garbaashno adduunka la yaabi doona abeyd abeydiina adduunka wuu garanayaa kuma cusbaan doonto.

Soomaalaay Geyshkayaga dagaal miyaa loo tilmaamaa maya waayo Hurdo gama’ ma siiyaan, Geerida kama cabsoodaan, Gogol kuma nagaadaan, Geerina kama cabsoodaan, isticmaarku garab iyo gurmadkuu u yeertaba Guuldarey badan, niyad geesinimo lehbey ku dagaal galaan gobannimo udirirku inaan gumeysi waarinbay ku dagaal galaan, geyiga inay xoreynbey ku dagaal galaan

fadhiga ka kaca soomaaliya looma hanjabo, dagaalna looma tilmaamo

intay gabari naga noo shahay waa inoo dagaal shacab iyo dowladba waxay joogtaa yaa maali jiray, waa kuwii sameeyay khawaariijta waa talasikii nuglaa, niyadda jabsanaa ee naxashka saarnaa waa kiiyoo na soo haweystaye gurmadoo ka kacaay.

WQ: Osman Dhiblaawe