In ka badan 180 Xildhibaan oo ku kulmay Hoteelka SYL Sanadkii 2017- ayaa balanqaad usameeyay Madaxweynahii hore Xasan sheekh Maxamuud oo xilligaa ahaa Musharax Mar kale u taagan Xilka Madaxweynaha JFS, ayada oo ay ka muuqatay Dareenkiisa Inuu soo laaban Doona tilmaamayna in qabyo Ninkiisa dhameeys tirto, Weedhaa oo ay qancisay Ka soo qeyb galayaal badan oo joogay goobtaas.
Cajiiib!
Balse taas mid ka duwan ayaa dhacday 8.02.2017. Si kasta oo qofka u soo saarto Xildhibaanno haddana marka la gaaro Sanduuqa isaga siduu doono ayuu sameynayaa oo cidi ma ogo waxa uu go’aansanayo.
Sifadaan Ayaan aheyn mid qurux badan oo inta balan qaad loo sameeyo qof haddana looga baxo, waa diin darro maadama aynu nahay dad islaama waxa inalagu yaqaan mar haddii aad balan qaado aad ka soo baxdo, Xaddiiskii Nabi Maxamed SCW, Ayaa ahaa «لا إيمان لمن لا أمانة له، ولا دين لمن لا عهد له» oo in badan cadeynayo in iimaan la’aantu tahay Amaano darro, Balan la’aantuna tahay Diin darro.
Su’aashu??
Mar haddiiba sidaa yahay xaalku Soow ma wanaagsano in Xildhibaanno aqoon leh oo iimaan leh oo aakhiro ku weyn tahay Dalka iyo Dadkuna Anfacayo in la soo saaro kuluma wanaagsana Aqriye? si dalkan uu u helo qofka ugu wanaagsan jaanis kaa oo noqon karo Midka jooga markaa ama kuwa kale kii markaa Allaah calaf uga dhigo?.
Baddal uu Xildhibaan aan amaano lahayn ah oo aaminsan sidee baad howlahaaga gaarka ah ku hirgalin kareeysaa, sheekadiisuna tahay, waa sidee sida ugu fudud ee aan fuud badan u dhuuqaa dalka sharciyadiisa iyo garsoorkiisa iyo cadaaladduna u caburiyaa.
Inta aan soo tilmaamay iyo in ka badan waxaa sababay wacyi la’aanta iyo tayada Aqoon la’aanta waana rajeeyn in waxa laga baran doona.
Dooroshada soo socoto ee Xilka ugu sareeyo Dalka waxa ay heysataa jaanisya badan laga joogo maanta oo taariikhdu tahay 13-07.2021 taa oo loo astay in ay qabsoonta October-2021, weeynu arki doonaa sida ay wax noqdaan.
Marka aan ka hadlo Rayiga Bulshada Horumarka jecel waa run hadalkii Madaxweeynii hore ee dalka ka dib marka aynu aragnay wax qabadka dowlad wanaagga, oo Qabydu maanta ayeey ku wanaagsan tahay inuu dhameeystirtaa ninkeeda, Maadaama Afar sano tahay waqti gaaban oo aan lagu gaari karin Wax qabad heer sare jooga, tusaale: marka aad socodkii la qabsato buu waqtigiina dhacayaa taa oo keento Caqabada badan iyo caburin badan dhanka horu socodka mana aha waqti Dalka iyo Dadkuba dan u ah oo haddii aynu aqbalnaa in afar sano ka badsanaa mudda xileedka wax aynu gaari karnaa horumar wanaagsan.
Gunaanadka Qormadeydu iyo ula jeedadeedu ayaa ah dowladnimadu nin ay wax ugu bilaaban yahiin waa ka fiican yahay kan aanan waxba ka Aqoon isla markaana soo arkin Garoonka Ciyaaraha iyo systemeska masaraxa.
Maadama dalkeenu dib udhis marayo marxaladahiisa, waana sababta aan ugu baaqayo in markasta ka Wanaagsan yahay mid ku cusub masraxa Siyaasadda in aan loo taagnaan si xal loo gaaro.
WQ: Afraax SONNA