Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Ciidda Carafo

Guddomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa guud ahaan Ummdda Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaliyeed meelwalba oo ay joogan uga hambalyeeyey Ciida Carafo Islamarkana u rajeeyey inay farxad ku ciidaan.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ku hadlaya afka mudanayaasha golaha shacab ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ku bogaadiyey inay is garab istaagan islamarkana ay ka shaqeeyaan nabada, horumarka iyo xasiloonida dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaran nabad, horumar iyo isku duubni.