Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil ku xukuntay saddex eedeysane

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ex-Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) iyo Ex-Dable NISA Cabdi Axmed Caddow Axmed oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday 18 jir ah oo dhiganayay sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Ex Dable NISA Farxaan Aadan Nuur Cilmi ku xukuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, markii lagu helay inuu caawiyay eedeysanayaasha dilka lagu xukumay.