Dowladda Soomaaliya oo War saxaafadeed kasoo saartay howlgal lagu laayay khawaarij badan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu laayay khawaarij ka badan 50 xubnood.

Howlgalkan ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidanka Qaranka, geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo malleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaasi.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo malleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya in ay naftooda la baxsadaan.