Ganacsigu waxuu hagaajiyaa tayada nolosha, waxuu dadka ufidiyaa fursado shaqo oo ay dakhli ku abuuri karaan isla markaana ay ku horumarinkaraan tayada noloshooda.
Ganacsigu waxuu abuuraa faa’ido sidokle waxuu caawiyaa qancinta Baahiyaha aadanaha,waxuuna saameyn ku leeyahay nolol maalmeedka dadka oo dhan, marka aad sameysato goob ganacsi oo aad shaqeyso waxaad heleysaa qarashaad, oo aad ku maalgashan karto goobo ganacsi oo kale.
Ganacsigu saameyn kuma laha oo kaliya nolosha ibnu’aadanka balse sidokle waxuu saameeyn ku leeyahay deegaanka, waxuuna qeyb ka qaataa hurumarinta deegaanka iyo guud ahaan horumarka Dalka.
Ganacsigu waxuu kaloo gacan ka geystaa aqoonsiga Bulshada dhaxdeeda ah markaad tahay ganacsade caan ah waxaad saameyn ku yeelaneysaa Bulshada dhaxdeeda, magc iyo qeymo ayaana ku dhexyeelaneysaa Bulshada.
Hadaba maxey tahay muhiimadda ugu weyn ee uu ganacsigu leeyahay.
Muhiimadda ganacsiga ma ahan mid la soo koobi karo balse qormadaan waxaan idinku soo gudbineynaa qaar ka mid ah muhiimadda ganacsiga, waxaana ka mid ah.
1 horumarinta dhaqaalaha.
Horumarka dhaqaalaha, ganacsigu waxuu ka ciyaaraa door mihiim ah fikradaha ganacsiga waxaa loo isticmaalaa wax soo saarka warshadaha, warshadaha waxey ku tiirsanyihiin ganacsatada waayoo waxey warshaduhu soo saaraan waxaa iibnsado ganacsatada sidaasi darteed ganacsigu waxuu caawiyaa horumarka dhaqaalaha.
2 Ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Dalwaliba waxuu leeyahay qeyraad dabiici ah oo nuucyo kala duwan leh ganacsigu door muhiim ah ayuu ka ciyaaraa iibinta iyo Suuqgeynta kheyraadka dabiiciga ah.
3 Shaqada.
Markasto oo ay badato fikradda iyo hal abuurka ganacsiga waxaa badanaayo ama si sahal ah lagu helayaa shaqada waxaana yaraanaya shaqo la’aaanta.
4 Faqriga oo yaraada.
Ganacsiga waxuu yareeyaa faqriga sababtoo ah haddii uu bato ganacsigu waxaa badanaayo dakhliga soo galo wadanka sidaas daraadeedna waxaa meesha ka baxaayo faqriga.
5 Horumarka Dalka.
Horumarinta warshadaha waxey gacan ka geysanaysaa ka fa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah iyo abuurista ganacsiyo waaweyn waxeyna gacan ka geysataa soo saarista dakhliga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
La imow fikrad ganacsi si aad u horumariso,noloshaada, Dalkaaga, iyo Deegaankaaga.
WQ: Osman Dhiblaawe.

