SIDEED U DHISI KARTAA MUSTAQBAL-KAAGA?

Qorshaha waa kii Allaah waayo adigu waxaa tahay qof aadami  ah adigu ma qorsheyn kartid laakiin waxaa lagaaga baahan yahay dadaal aad la timaado.

Dad kku ma aha kuwo maco la’aan ugu abuuran  caalamka korkiisa , ficilkaada maanta ayaana qaabeeya mustaqbalka carruurta ku dhaxlaysa mustaqbalka . Waa in aad qirataa ama garataa kaalintaada aadna isku daydaa in aad ka tagto taariikh iyo wax dhaxal ama xasuus kaa harta.

Waxaa loo baahan yahay in aad la timaado feker iyo wax curin si aad uga hortagto isbedelada adag iyo  dhibaatooyinka ku soo wajahaya oo ay ku jiraan dhaqaale yarida iyo sinnaansho la’aanta .

Waa in aad abuurtaa miraha aqoonta  kuna dhistaa mustaqbalkaaga aqoonta oo aad kordhiso siina raaciso in aad la timaado hal abuur si aad qeyb uga qaadato in mustaqbal wanaagsan oo ifaya oo dadka wada gaara.

Sidoo kale noqo qof wanaagga ku dheggan oo aad u neceb xumaanta hana noqon qof dantiisa oo keliya wax walba ka dhex arka laaiin u hiili danta guud iyo wanaagga .

Iska ilaali in aad noqoto qof darbi isku heydaaba oo ka go’an dadka intiisa kale , macnaha isla weyn  , kana fog is dhexgalka .

Ku faan dhaqankaaga kana fogow faquuqa ama wax faquuqidda waayo adigu kama badnid ama kama weynid in aad tahay qof aadami ah uun oo weliba daciif ah oo dhoobo laga sameeyey.

Dadka waxaad la wadaagtaa shar iyo kheyr waana iin aad iriir fiican la sameysaa oo dadka xiriirisaa siiba inta riximka ah waana dadka in aad u cadaalad fashaa.

Waxa aad sameyneso maanta waxay u gogol xaarayaan qaabka berry aad ku wajahayso maustaqbalkaaga ama waxay qaabayneysaa sida uu mustaqbalkaaga noqonayo laakiin mustaqbal la sameysto waxaa u u wanaagsan yii aakhiro.

Muhiimadda ayaa ah in aad rajo leedahay waxaana qaabeeya doonisteenna iyo qaabka ay nala tahay waana in aad leedahay fogaan arag ama aragti dheer oo aad wax ku odorosi karto.

Waa in aad qaadi kartaa tallaabooyin waaweun oo aad ku gaari karto mustaqbal wanaagsan waayo xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan waana in aad tallaabo qaado si Eebbe kuugula garab galo dadaalkaada.

Niyad wanaagga iyo dhiiranaanta ayaa ah waxa sababa horumarka aad gaari karto mustaqbalka ee ifaya waana in aad ledahay rajo iyo qalbi wanaagsan.

Ma aha in aad degdegsato ama sugi weydo waayo waxa soo daaha ayaa kheyr badan waana n aad iska ilaalisaa welwelka iyo tiiraanyada.

Culiinta nafsigu waxay tilmaamaysaa in ay tahay in aad dadaalka nolosha waqti badan ku bixisaa ka hor inta aadan guran miraha aad ku taamayso in aad gurato ama guusha aad dooneyso in aad gaarto.

Si kastaba ha ahaatee si aad u gaarto yoolka mustaqbal ifaya waa in aad ku xirnaataa Allahaaga isla markaana aad dhistaa heerta aqoontaada iyo waayo aragnimadaada taas haddii aad ku guuleysana waxaad ku filnaan doontaa ebyidda nolosha mustaqbalkaada iyo tan carruurtaada .

WQ: Maxamed Shiil