Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waayahaan waxaa dhex yaallay xurguf ka dhex dhalatay kadib markii Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland ay bishii Janaayo Kowdeedii ee sanadkan ay isla gaareen wax loogu yeereen Is-af-garad lagu bixinayo dhul-badeed 20km ah, taasi ayaa ka dhigtay in cirka isku shareertay, waxaana la isku dayay dhowr mar in arrinta la qaboojiyo, balse waa suurtogali weysay, waxaana ugu dambeeyay kii lagu qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiye, kaasi oo ay gar-wadeen ka aheyd Dowladda aannu Walaalaha nahay ee Turkiye.
“Anigoo cuskanayo Qaraarkii Barlamaanka Fedraalka Soomaaliyaee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna”, ayuu yiri:- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud mar uu Khudbadda dhinacyo badan taabanayay ka jeedinayay furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamka, maantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA” ayuu si kulul u sheegay Xildhibaanaddi goobta fadhiyay.
Hadalkaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh waxa uu ku soo aadaya hadallo uu dhawaan Raiisul-wasaaraha Itoobiya uu u jeediyay Baarlamaanka Dalkaasi, isagoo sheegay in dowladdiisu aysan su’aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u aheyn kala-qeybinta dalka Soomaaliya. Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda.
Sida laga soo xigtay Warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy ayaa waxaa uu yiri “codsigan [gaarista badda] waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya”. Hadalkaasi ayaa u eg mid aad uga luuqad duwan kuwii hore looga bartay Abiy iyo mas’uuliyiinta kale ee Itoobiya oo hore u sheegay in ay aqoonsan doonaan Somaliland, wuxuuna sii raaciyay “Soomaaliya yaysan kharash badan iyo waqti badan uga bixin safarrada badan ee ay nooga dacweynayaan Caalamka”.
Abey Axmed xog badan ayuu bixiyay, sidaasi awgeed dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka aaminsan qoobadaan:-
1- Wuxuu qiray in damaciisa dhul boobka ah uu u soo bandhigay Dawladda Soomaaliya kana diiday ka dibna uu aaday Soomaliland, taasi oo muujinaysa in MOU-ga beenta ah oo fahamsanaa in uusan xalaal aheyn, dawladdii sharcigaas laheydna ka diiday.
2- Wuxuu sheegay oo uu muujiyay in fahamsan yahay in aysan meel maraynin Riyadiisu, Dowladda Soomaliya haddii aanay aqbalin, taasi oo ah wax aan dhici karin.
3- kadib waji gabaxa uu kala kulmay damaciisa kala goynta Soomaaliya, wuxuuna af-gobaadsi ahaan u muujiyay in uusan duullaan ku ahayn Midnimada Soomaaliya, si uu indhaha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed isaga leexiyo.
4- Wuxuu mujiyay sida ay u dhibtay in Dowladda Soomaaliya uga adkaatay faagaarayaasha Caalamka isaga oo ku calaacalay annaga nala hadla hanna dacwayninee.
5- Abeey wuxuu kaloo sheegay in dhammaan Dowladaha Dariska la ah ay diideen damaciisa, taasi oo muujinysa heerka go’doonka ah ee uu ku jiro
Haddaba falanqeeyayaashu ayaa xusay in Fahamka saxda ah ee hadalkiisu uu khuseeyay.
1- Maamulka Muuse biixi oo uu caddeeyay in aanay jirin beentii ay Shacabka Waqooyi u sheegeen ee aheyd waa nala aqoonsanayaa.
2- Wuxuu markale beeniyay dicaayaddii Muuse ee aheyd Soomaliya iyadaa rabta in ay heshiiska saxiixdo, isaga oo caddeeyay Abeey in Dowladda Soomaaliya diiday codsigiisa ka dibna uu ku xumayn ahaan uga galay Is-af-garad beenaadka MOU-ga.
3- Micnaha kale ee hadalkiisu wuxuu ahaa in uu ku qanacsan yahay in uusan xoog ku qaadan Karin, Muusana siin karin Dhul iyo Bad Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay hadallada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa yiri:- “Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad, deggenaansho iyo inay ka gudbaan caqabadaha heysta maanta”.
“Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Itoobiya iyadaa wareegeysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamka, maantana iyadaa wali diidan”, sidaadi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo la hadlaayay Shacabka iyo Maamulka gobolda Waqooyi ee Soomaaliya “Waxaan sidoo kale baaqeyga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkaasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoo furan, aanna aaminsan nahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna Ummadnimo, iyo soo celinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo khuseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya”.
By. C/lahi Ruush