Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay leyli saraakiil oo ka qallinjabiyay dugsiga turksom

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday dugsiga turksom oo lagu maamuusaayey qalin-jabinta leyli saraakiil oo ku soo biiray hoggaanka ciidanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiishaasi kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya,isagoo kula dardaarmay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan howlaha culus ee horyaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa”.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud waxa uu u mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo madaxweynaheeda,isagoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha Dowlad Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Gaashaabdhigga C/Qaadir Maxamed Nuur,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil kale.

Leyli Saraakiishaan oo ah dufcaddii 6-aad ee maanta qallinjabisay waxa ay muddo 3 sano ah ay qaateen tababar aqoon kororsi ah,iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal marrinno kale oo qaali ah.

Saraakiisha ciidanka ee maanta qallinjabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda,dhulka iyo cirka.