Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhiggeen xubno khawaarijta ka tirsanaa

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose.

waxa ay ku soo qabteen xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo soo badbaadiyay gaadiid ay madax furasho u haysteen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanku qaflad laba jiho ah kaga yimaaddeen khawaarijta xilli ay ku guda jireen dhaca gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa Afgooye iyo Walaweyn, gaar ahaan halka loo yaqaan Doonka.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa intaa raaciyay in ay khawaarijta kasoo badbaadiyeen 20 gaari oo dad shacab ah u rarnaa, kuwaas oo ay u haysteen in ay bixiyaan lacag baad ah.

“Howlgalka barakeysan waxaa sidaas oo kale lagu qabtay dhagar qabayaal, kuwaas oo ay Ciidanka Xoogga dalka ku raad joogeen”

Khawaarijta ayuu sheegay in ay qaarkood ku baxsadeen Gaadiidka Homy-da loo yaqaan kuwaas oo ay Ciidanka sooma jeestayaashu ku raad joogaan.