Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay Buuga tacsida AUN Prof jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta furay buuga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana buuga tacsida mudo sedax maalmood ah ka furnaan doonaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore.