Cilmiga iyo teknoloji waxaa loogu talagalay in horumarka aadanaha looga faa’ideysto laguna gaaro meelo aan hore loo gaarin ee ma aha in uu horseedo xumaan iyo caqabado hor leh.
Baraha bulshada maanta caalamka waxay u yihiin goobo wax leysku weydaarado oo lagu soo bandhigo afkaar, aqoon, xog , maaweelo iyo waaya aragnimo laakiin sida aan u aragno ama uga faa’ideysano ayaa qaldan.
Maxamed Faarax Cali oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in Soomaalida gebi ahaanba laga xiro baraha bulshada wuxuuna daliil uga dhigay in aanay aheyn dad u bisll isticmaalkooda.
“Waxaan u naqaanaa goobo lagu falaado wixii la rabana la soo dhigo oo aan ka xadeysneyn been, caay iyo fisqi waana wax aan sax aheun “ ayuu yiri .
Wuxuu sheegay bedelkeeda in isticmaalkeeda ay tahay in looga faa’ideystto dhinaca baahinta aqoonta, teknolojiyada, sayniska iyo iska warqabka guud.
Waxa maanta ka dhacaya baraha bulshada Soomaalida oo muddo dheer sii socda waxaa laga dhaxli doonaa dhaqan dumis , aqoonta oo yaraata , jahliga iyo qabyaaladda oo sii bata iyo aflagaadada oo la caadeysto loona arko wax caadi ah .
Isku dirka ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ka dhalata haatanna lagu arko baraha bulshada waana midda maanta taagan ee loo maaro la’yahay oo wax walba ay ka dhaqaaqi la’yihiin .
Baraha bulshada waxaa jira meelo daaqli laga sameeyn karo laakiin maaha in daqligaas lagu raadiyo si xun oo indho caddeys ah laakiin waa in aad noqotaa qof wax abuuri kara waxa uu abuurayana ay yihiin wax dadka faa’ido u leh oo wax soo kordhinaya.
“Ma aha in wax lagu raadiyobeen iyo aflagaado aan biyo la marin hadhowna la yiraahdo waxaan ku raadinayey dad I daawada” ayuu yir Cabiraxmaan Hurre oo ku nool magaalada Garoowe oo sheegay in mararka qaar waxyaabaha lagu daabaco baraha bulshada ay yihiin wax laga yaqyaqsoodo oo aan u qalmin in dadka loo soo bandhigo.
Axmed Maxamed Guure wuxuu qabaa in baraha bulshada ay qeyb ka yihiin hurinta colaadaha ee Soomaaliya faafinta qabyaaayaladana ay ugu horreeyeen.
Dhallinyaro badan oo aan hore wax badan uga aqoon qabyaayadda ayaa haatan ku ababay baraha bulshada oo ku bartay isticmaalka qabyaaladda cod dheerna ku leh reer hebel iyo reer hebel.
Sidoo kale varaha bulshada waxay qeyb ka yihiin marin habaabinta dadka waayo waxa lagu sheego intooda badan waa been iyo arrimo aan jirin oo lagu buunbuuniyo la isagana dabqaado bulshooyin aan isu jeedin oo la isku soo jeediyo dhexdoodana colaad laga dhex dhaliyo.
Maanta caalamka waxaa uu marayaa cilmi iyo aqoon ahaan meel aad u sarreysa waxaana hogaaminaya baraha bulshada oo noqday meesha ugu fudud ee wax la isku gaarsiin karo waana tan keentay in caalamku haatan u soo guuro teknolojiyada cusub.
Somaalida waxaa maanta looga baahan yahay in ay eegaan dhinca wanaagsan ee ay teknolojoyadaa uga faa’ideysan karaan oo aanay noqon dad garan waayey dowgii ay u mari lahaayeen adeegsigeeda.
WQ : Mohamed Shiil