35 ruux oo u dhintay dab qabsaday dhismo ku yaalla Kuwait

Ugu yaraan 35 qof oo isugu jiray shaqaale iyo dad kale ayaa ku dhintay dab ka kacay dhismo ku yaalla koonfurta degmada Mangaf ee Dalka Kuwait, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Shilka dabkaan oo saaka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 15 kale oo u badan dad shaqaale ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee KUNA.

Tobaneeyo qof ayaa la soo badbaadiyay, laakiin nasiib darro waxaa jiray dhimasho badan oo ka dhalatay qiiq ka dhashay dabka,” ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan booliiska oo la hadlay TV-ga dowladda.

“Waxaan had iyo jeer ka dignaa in shaqaale badan lagu ciriiriyo hoyga guryaha, ayuu yidhi, isaga oo aan faahfaahin ka bixin nooca shaqaalaha ee ay ahaayeen dadkaasi iyo goobta ay ka shaqeeyaan.

Dhismaha uu dabku ka kacay ayaa ahaa mid ay ku noolaayeen shaqaale badan iyo qoysaskooda,waxaana socda baaritaanno ku aadan waxa dhaliyay dabka.