Ciidanka xoogga dalka oo gacanta kusoo dhigay xubno la shaqeeya khawaarijta

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo baaxad leh ka fuliyay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelleda dhexe, iyagoo gacanta ku dhigay rag la aaminsan yahay in ay la shaqeynayeen Khawaarijta.

Ciidanka ayaa ku guuleytay in duleedka magaalada iyo waddooyinka soo gala ay ka saaraan miinooyin ay khawaarijtu dooneysay in ay ku waxyeelleeyaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

Sidoo kale, Ciidanka xoogga dalka ayaa helay xogta ah in ay jiraan xubno si hoose ula shaqeeya khawaarijta, iyagoo gacanta kusoo dhigay qaar ka mid ah jawaasiista argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleysanayo.