Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo Colaad Sokeeye oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda  ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee waqooyiga Galgalduud, waxayna laamaha ammaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Galmudug fartay in laga hortago shaqaaqooyinka iyo xasaradaha soo cusboonaaday.