Madaxweynaha Galmuduga oo guddi u magacaabay xal u raadinta colaadda ka jirta waqooyiga Galgaduud

-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug  faray in ay la shaqeeyaan xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaada ka jirta deegaanada Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.