Guddoomiye Cumar Filish oo xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar Jajab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab oo uu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhis ballaaran ku sameeyay.

Munaasabaddan xarig jarka Kawaanka Ansalooti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa Shacabka Degmada Xamar-jajab kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka isla markaana ay ka shaqeyn lahaayeen bilicda iyo nadaafadda, wuxuuna ballan qaaday in mashaariic kale oo horumarineed laga hirgelin doonno Degmada Xamar jajab.