Tawfiiq Al-Rabiah, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 1.2 milyan oo xujey ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo caalamka ah ay xilligaan ku sugan yihiin dalkaasi.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku nuux-nuux sida madaxda sacuudiga ay uga go’an tahay u adeegidda dadka matrida ah ee xujieyda,isagoo ka mahadceliyay dadaalka loo galay imaanshaha xujeyda ee goobaha barakeysan sida labada masjid ee Maka iyo madiina.
Tawfiiq Al-Rabiah waxa uu xisay in xujeydu ay si fudud oo niyad sami ah u soo gudan karaan cibaadadooda iyagoo helaya daryeel iyo foojignaan heer sare ah ,isagoo dhanka kalana carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in loo hogaansamo shuruucda,awaamiirta iyo iskaashiga si ayuu yiri loo xaqiijiyo adeeg dhamaystiran oo loo qabto dhamaan xujeyda.
Si kor loogu qaado hufnaanta shaqaalaha ee nidaamka Xajka, Al-Rabiah wuxuu sharraxay in bilihii la soo dhaafay, in ka badan 120,000 shaqaale iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha xujaajta ay qaateen tababar.

